HomeBlogBlogMuuqaaladdan afarta ah midkee ayay ITOOBIYA yeelan sanadda 2032ka (THE 4 scenarios)

Muuqaaladdan afarta ah midkee ayay ITOOBIYA yeelan sanadda 2032ka (THE 4 scenarios)

Konton hogaamiye oo ka kala socday shucuubta Itoobiya qaybeheeda kala duwan, sida hogaamiye yaasha siyaasadaha isdiidan, bulshada rayidka ah, dadka wax qora (bloggers) iyo aqoon yahanka oo ay gardaadineyso kooxda ‘aayaha Itoobiya (the Destiny of Ethiopia) ayaa kulan wada tashi yeeshey saddex jeer oo kala duwan lixdii bilood ee ugu danbeeyey 2019-kii. Si ay u soo saaraan muuqaallada suurto galka ah ee Mustaqbalka Itoobiya illaa 2032ka. Daraasado iyo doodo dhaadheer ka dib kooxdani waxa ay la yimaadeen afar muuqaal oo waddankani mid kood yeelan karo 2032ka (four scenarios) kuwaas oo salka ku haya xaaladda dhabta ah ee Itoobiya ku jirto, iyo wax yaabaha laga filan karo in ay dhacaan mustaqbalka. Afartan muuqaal oo lagu daahfurey 3dii December 2019ka magaaladda Addis Ababa waxa ay ku salaysan yihiin taariikho; waxa aanay ka jawaabayaan maxaa dhici kara sannadada soo socda, halkee ayuuna waddankani ku caaridi karaa. Ma aha shuruuc iyo siyaasado toona ee waxa weeye falanqayn iyo bidhaamin lagu sameeyey maxay yihiin caqabadaha waddankan Itoobiya haysta, maxayse yihiin fursadaha uu haysto si uu u doorto muuqaalka ugu wanaagsan iyo wadiiqooyinka uu umari karo si loogu helo waddankan Mustaqbal wanaagsan oo loo dhanyahay, lagana taxaddiro wixii muuqaalkaas wiiqi kara ama baajin kara.

Inkasta oo ay adkaan karto in la saadaaliyo mustaqbalka; haddana sinnaariyoohinkani waxa ay ka caawin doonnaan waddanka Itoobiya xaqiiqada jirta; waxa aanay u diyaarinayaan qaybaha kala duwan ee bulshadu in ay waajahaan caqabadaha taagan; xal waarana u helaan dhibaatooyinka hadda taagan iyo kuwa laga yaabo in ay dhacaan timaadada. Waa jid qof kasta oo Itoobiyaan ahi ay tahay in uu niyadda ku hayo si uu teeda qodaxda badanna uga weecdo; teeda toosanna u qaado. Afarta muuqaal ee waddanka Itoobiya yeellankaro waxa ay khubaradu u soo gudbiyeen sidan:

1. Waaberi (New Dawn)

Muuqaalkan ama sinnaariyaddan ‘waaberiga’, horumar ayaa la rajaynayaa, horena wax baa uga bilaaban: Wakhti ayay qaadanaysaa in iftiinka maalintu wada muuqdo. Shacabka Itoobiya waxa ay wada kobcinayaan is bedelkan iyo dib u habayntan hadda jira iyo hannaanka dib u heshiiisiinta oo ku socota jid dimuquraadi ah. Khilaafaadka xididada dhaadheer ee shucuubta u dhexeeyaana wey aamusanyihiin, waxaana lagu xalliyaa doodo furan iyo kulamo fool ka fool ah. Afkaarta is cafinta iyo dhab u heshiisiinta – si kasoo horjeedda caddaawadda iyo is nacaybka – waxa ay u socdaan si xiiso leh iyaga oo laga arkaayo warbaahinta iyo baraha bulshada. Hay’adaha iyo dhaqaaluhuba si aayar ah ayay u kobcayaan waxa aanay xoojinayaan hiigsi iyo himilo la isla wada ogyahay iyo midnimo sii xoogaysanaysa.

2. Kursi jaban (Broken Chair)

Muuqaalkan ama Sinnaariyaddan, waxa lagu masaalay kursi jaban misane taagan balse aan wax culeys ah qaadi karin, tan macneheedu waxa weeye itaal darradeennu ma caawin karto horumar bulsho heerka uu doono ha ahaadee. Waxa jira dhibco horumar oo dhalaalaya balse waxa aad u xaddidan in ay si baahsan uga jawaabaan baahida bulshada oo dhan, taasina cadaadis ayay ku noqonaysaa hana qaadka nidaamka. Caqabaduhu wey cadyihiin, balse awooddarradeena in aynnu horumarino kartidii lagaga gudbi lahaa xilli ku habboon ayaan jirin, taasina waxa ay waddankan iska hortaagaysaa in uu xal waara u helo dhibtiisa.

3. Guri qaybsan (Divided House)

Muuqaalkan, sida guri qaybqaybsan, qaybaha kala duwan iyo gobollada waddanku waxa ay u adeegsanayaan xorriyaddan ay dhawaan heleen danohooda u gaarka ah, iyaga oo aan tixgelin siinahayn dawladda dhexe. Kala fogaanshaha, iyo qaybsanaanta ayaa kordhaaya heer kasta oo bulshada ah. Xilliga sinnaariyaddan dhaqaaluhu wuu kobcayaa balse koboca iyo horumarka bulshada lama siiyo feejignaan ku filan. Xasarado badan ayaa soo baxay sababtoo ah waxa daciiftay ama nuglaatay dawladdii dhexe. Gobollada qaarna waxa ay ku adkaysanayaan in ay keligood is maamulaan ama ay ka madax bannaadaan dalka intiisa kale, khayraad koodana aan lala wadaagin.

3. Muruqweyne (Hegemony)

Muuqaalkan ama sinnaariyaddan waxa lagu masaaley ‘muruq weyni’, waxa aynu aaminsanahay in gacanbir ah lagu maamulo waddanka, gacan bir ahna lagu xalliyo mashaakilaadka iyo xasaradaha ina hortaagan. Waddanka keli taliska ahi waxa uu adeegsadaa gacan bir ah si uu u xakameeyo xasaradaha iyo si uu u maamulo dhaqaalaha iyo deegaanka ugana jawaabo cadaadiska bulshada ka yimaadda. Xilligaa, shacabka Itoobiya waxa ku habsaday dayac baahsan oo ku gudban koboca arrimaha bulshada iyo helitaanka khayraadka. Xaaladdan kacdoonna waa lama huraan.

Gabogabadii, aqoonyahanka Itoobiya wey ku mahadsanyihiin in ay ummadooda u fekereen oo soo hordhigeen wax yaabo ay kala doortaan ama niyadda ku hayaan si ay u tiigsadaan horumar xasiloon oo timaadada fog lagu tanaado.