Buuggii
ugu horreeyey ee aan akhriyo sannadkan 2024-ku waa Buugga “Generation
Medemer” ee uu qorey Dr.Abiy (Ra’iisul wasaaraha Itoobiya), oo la daabacay
2023-kii, kaas oo qoraagu ku dhisay kuna qurxiyey afkaartii uu ku iba furey
buugiisii hore ee “Medemer” 00 2019-kii soo baxay. Buuggaas hore oo aan
akhriyey 2021-kii kana jeediyey mid ka mid ah madalaha buuggaagta lagu akhriyo.
Buugga hore qoraagu waxa uu kusoo
bandhigay hannaan ka duulaya sida dhaqanka Itoobiyaanka iyo kan Afrikaanka loogu
dub-dhigi karo xallinta dhibaatooyinka daba dheeraaday ee haysta Itoobiya iyo
qaaraddan Afrikaba, taas oo ku salaysan dhaqanada, iyo axdiyada qaaradda si loo
gaadho nabad waarta, barwaaqo iyo horumar.
Ujeedadayda in aan lafaguro buuggan waxa weeye in aan si toolmoon u
furfuro afkaarta qoraaga iyo doodihiisa oo aan u halbeego macquuliydooda,
ficilgalnimadooda iyo suurtagalnimada in ay xal u noqdaan dhibaatooyinka
xilligan haysta waddanka Itoobiya iyo Gobolkan Geeska Afrika iyo sidoo kale in
ay u noqon karaan wadiiqadii lagu gaadhi lahaa nabadda, barwaaqada iyo xasiloonida
warkhtiga dheer lagu badhaadho. Qaybta danbena waxa aan kusoo koobay tobanka
cutub ee uu buuggu ka koobanyahay.
Aragtida
xaddaaradeed ee qoraagu waa in Itoobiya iyo Qaaraduba ay iska furaan xadhkaha
“afkaarta qalaad ee dibadda uga yimiday.” Isaga oo ku dhiirigelinayaa dadkiisu
in ay xalka dhibaatooyinkooda ka raadiyaan dhaqankooda hodanka ah, caadooyinka
san, hal-abuurnimadooda dhaqan; iyaga oo isaga fogaayana afkaart qalaad ee
lasoo amaahday. Waxa uu ku dooday in dadka qaaradani la
qabatimeen afkaan aan xeru-dhalan ahayn oo aan weliba noloshooda xidhiidh la
lahayn, fahamka ay ka haystaana uu aad u liito, waanay la qabatimeed iyaga oo
afkaartaasi aan innaba xallin mashaakilaadkii haystay waddanka Itoobiya iyo
qaaradda toona. Soo waarididan indha
la’aanta ah iyo adeegsiga afkaartan qalaad waxa ay inoo gaysatay dhibaato ay
iska dhaxleen fac ka fac oo aanu facna isku deyin in uu helo xal ay iyagu
leeyihiin oo ay boogaha dhibaatooyinkooda ku dhaydaan.
Kelmadda “Medemer” waa erey Amxaari ah oo
macneheedu yahay isku imaatin, balse qoraagu waxa uu ku macneeyey “wada
shaqayn” isaga oo ku sharaxay in uu yahay curin asaasi ah oo dib loogu eegayo
waddanka Itoobiya xilligan casriga ah. Waa himilo bulsho oo ku dhisan nidaam
iskaashi iyo tartan isku dheelitiran.
‘Generation Medemer’ sida
qoraagu ku sifeeyey waa “hab-fikir cusub’ iyo nidaam “aynu ku dhayayno
dhaawacyadeennii, ku daaweynayno xanuunadeenii, kuna xallinayno
dhibaatooyinkeenii”. Waxa uu ku sheegey hab-fikirkiisan Medemer in uuna ahayn
baadhid falsafadeed ama iska haloosiyid balse
ay tahay go’aan iyo haltebin dhab ah oo xal loogu raadinayo
mashaakilaadka Itoobiya haysta. Raadinta jawaabta iyo aragtiyaha uu qoraagu soo
bandhigay waxa ay xiganayaan shakhsiyado kala duwan iyo sahamin xeeldheer taas
oo cuskanaysa nimaadka hay’adaha Afrikaan ka ah sida dhaqamada soo jireenka ah,
diimaha iyo caadooyinka qaaradda. Curintani waxa ay meesha ka saaraysaa
aragtihii ku dhisnaa qaybinta bulshada ee qoomiyadda, midabka iyo kala qoqobka
ku dhisnaa.
Adeegsiga fikradda Medemer, qoraagu
waxa uu uga gol-leeyahay in uu sharaxo siyaasad bulsho oo ku dhisan tognaan,
iskaashi (iyada oo laga koraayo lagana dheeraanayo siyaasadda burburinta ah ee
natiijadiisu tahay in sagxadda la wada taabto) iyo tartan. Dhextaalka fikraddu waa isku duubni iyo
wadajir kasoo bilaabmaya heer shakhsi, kooxeed, hoggaamiyayaal iyo haya’adaha
si loogu shaqeeyo si firfircooni leh, wax ku ool ah, oo hal-abuurnimo looga
shaqeeyo hab-dhaqanka wanaagsan iyo danta guud.
Qoraagu
waxa uu ku doodayaa fikradan Medemer (is-kaashi), in ay soo saarayso xaddi
badan oo tamar dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ah; taas oo ah dhaxal ay
leeyihiin bulshoweynta Itoobiya iyo dadweynaha qaaraddan Afrika. Afkaarta
qalaadna waxa uu dhiirigelinayaa in la iska dhaafo oo aan lasoo waaridin.
Qoraagu waxa uu rumaysanyahay in aanu isbedel
waaraa ku imanahayn kacdoonno xad-dhaaf ah ama isbeddello rabshado wata oo mar
uun soo butaaca, balse uu ku iman karo oo keli ah nidaam barasho oo mabda’ iyo aqoon
ku dhisan oo jiilba jiilka xiga u gudbiyo lagu keeno is bedel. Qoraagu waxa uu
ku dooday in “Dhismaha qaranku yahay taxane ku bineysan aqoon iyo xadaarad oo
jiilba jiil ka xiga ku tallaalo.”
Qaran ku waa maxsuulka isku xidhnaanta jiilal kala danbeeyey iyo
nimaadka wada xidhiidh kooda (wareysi iyo wacaal) oo tayaysan. Guulaha iyo guuldarrada qaranna waxa go’aamiya
dadaalada jiilasha kala danbeeya iyo ficiladooda ay ku kacaan xilligaas ay
joogaan, taas ayuunba dhasha guul ama guud darro.
Jiil kastaa waxa uu leeyahay luuqadiisa iyo
habka haltebintiisa gaarka ah ee xubinihiisu ku wada xiriiraan kulana
xidhiidhaan faca iyaga ka danbeeya. Halka inta badan isu hal-tabinta nuxurkeedu
uu lumo jiilasha dhexdooda ama uu abuuro is-faham darro ama uu khalkhaliyo
maxsuulkii ama nuxurkii fariinta. Yoolka guud ee fikradda ‘Medemer’ waa in la
derso surma seegtooyinkii, guuldarrooyinkii, waxqabadkii, iyo guulihii
jiilashii hore oo la dhiso Itoobiya cusub (New Ethiopia) taas oo ku
naaloota horumar loo dhanyahay oo ku dhisan nabad iyo barwaaqo.
GABAGABADII LAFAGURKA
Buugan, “Generation Medemer, (jiilkii iskaashaday)”
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu si
furan usoo bandhigay wax aynu u qaadan karno ajandihiisa Itoobiyada cusub, iyo barnaamujkiisa hogaamineed. Gogoldhiga
buugga
waxa uu sameeyey odhaah ka turjumaysa jidka uu u marayo dhismaha Itoobiyada
cusub iyo jidka uu
ugu talogalay in uu ku hoggaamiyo dhalinyaradiisa waxa uu ku sheegey “jidkan
ifaya ee horumarka”.
“ Jidka Medemer waxa uu ka dhashay safarkii noloshayda… jidka
Medemer waa shaqo loogu talogalay in ay isu keento iskaashiga dhawr fac oo kala
duwan… Medemer waa miraayadda aan ku fiirsanayno mustaqbalka innaga oo isku
keeneyna awoodda faca imika jooga oo dhisayna kartida jiilka soo socda, kana
taxadireyna khaladaadkii ay galeen jiilashii inaga horreeyey.”
Jiilkan
Medemer waxa uu ku sheegay Dr. Abiy in uu yahay jiilkii qaban lahaa shaqada
culus ee sare u hinjin lahaa waddanka Itoobiya kana saari lahaa saboolnimada oo
u horseedi lahaa barwaaqada, isaga oo AFAR u kala qaybiyey (cutubka 2, b.
36-51) jiilashii Itoobiya soo marey kasoo bilow 1896-kii kuwaas oo kala ah:
Jiilkii xagjirka ahaa (Conservative Generation), jiilkii Riyada (Dreamer
Generation), jiilkii qalbijabay (Disillusioned Generation) iyo
jiilkii anbaday (Alienated Generation).
Waxa ii
soo baxday in qoraagu aad uga taxadirey in uu ku xukumo jiilashii hore
khaladaadkii badnaa ee ay galeen; taas bedelkeedana uu qiro guulihii ay soo
hooyeen ama ay dhaxalka uga tegeen. Marka la eego (cutubka 7, b. 157-162) waxa
uu ku faaqidey fikraddiisan cusub ee ‘Medemer’ in ay tahay qaacidada lagu dhisi
karo jiil cusub, isaga oo ku dooday in astaanta Itoobiyaannimadu ay noqoto mid
isu keenta shucuubta qaaradda Afrika ayna ku faanaan. Waxa uu ku booriyey
dadkiisa in ay sida qudhaanjada oo kale isugu duubnaadaan, iyaga oo aaminsan in
isku duubnidu ay tahay tiir adag oo aan weligeed la jebin, dhibkastana si
sahlan loogaga gudbi karo.
Dhinaca kale (cutubka 10, p. 267-270) qoraagu waxa uu soo jeediyey in ay
cadaatay in quwadihii reer Galbeedka ee uu hormuudka u ahaa Mareykanku ay ka
jeesteen Bariga dhexe iyo Geeska Afrika, taas oo ah fursad ay shucuubta gobolladani ku raadsan karaan fursado kale oo ay
jilayaasha kale kula xulafoobi karaan. Waxa uuna ku tirtirsiiyay shacabka
Itoobiya iyo jiilkan cusub (Medemer) ee uu dhisayo badhaadhahooda iyo mustaqbalkoodu ku jiro in ay wax la qabsadaan
wadamada bariga dhexe iyo Badda Cas oo ay u noqon karaan ishii ay cuntadooda
usoo doonan lahaayeen.
Si
kasta oo ay noqotaba, culimada ku takhasustay daraasadaha Hoggaamintu waxa ay
yidhaahdaan guusha hoggaamiyuhu waxa ay xidhantahay in uu isla helo, xaalad,
duruuf iyo ujeedo, halka gaadhista
ujeedo kastaana ubaahantahay adkaysi, isku duubni iyo adeeg bixin dhab ah si
looga gun gaadho. Waxkasta oo dhibaato ah oo qoraagu la kulmay, buugani waxa uu
u muuqdaa in uu yahay dhabadii
hogaamintiisa ee Itoobiyada cusub ku hagayay oo uu halkan
inoogu soo gudbiyey. Waxa aan ku boorrin lahaa qofkasta oo Siyaasi ah, (siiba
kuwa gobolkan geeska iyo qaaradda), diblomaasiyiinta, dhallinyarada, cilmi
baadhayaasha iyo saxaafaduba in ay akhriyaan buuggan.
Waxa ay ila tahay, in aragtiyahan iyo qorshayaashan
nayaayirka iyo ididiiladu ka buuxdo ee dib udhisidda Itoobiyada cusubi uu noqon
karo oo keli ah tallaabada kowaad ee isbedelka uu waddankani u baahanyahay.
Itoobiya waxa luga kaga maran dhibaatooyin waa weyn oo xididdo dhaadheer leh oo
aan lagu xallin karahayn dadaalka hoggaamiye keli ah, halkii laga yaabo in ay
wax ka qaban lahaayeen koox haldoor ah (group
of elites) oo la yimaadda afkaar isbedel oo nidaam xasilloon ku socota;
kanasoo bilaabanta hoos illaa ay gaarto qof-qof, koox-koox iyo nidaamka dawliga
ah, taasna waxa ay u baahantahay in ay qaadato wakhti ay ku qaangaarto iyo qori isu dhiib xasiloon. Wadajirka, iyo habdhaqanka akhlaaqiyaadka iyo
qiyamka wacan ku dhisan sida wada shaqayn, iskaashi, isu-tanaasul, dulqaad,
adkaysi iyo isqadarin ayaa noqon kara shiidaalka iyo tamarta dhismaha jiilka
isbedelka xasiloon horseedi kara.