HomeBlogPublicationAragtida Dr. Abiy Ee Dhismaha Itoobiyada Cusub  “Generation Medemer”

Aragtida Dr. Abiy Ee Dhismaha Itoobiyada Cusub  “Generation Medemer”

Buuggii ugu horreeyey ee aan akhriyo sannadkan 2024-ku waa Buugga “Generation Medemer” ee uu qorey Dr.Abiy (Ra’iisul wasaaraha Itoobiya), oo la daabacay 2023-kii, kaas oo qoraagu ku dhisay kuna qurxiyey afkaartii uu ku iba furey buugiisii hore ee “Medemer” 00 2019-kii soo baxay. Buuggaas hore oo aan akhriyey 2021-kii kana jeediyey mid ka mid ah madalaha buuggaagta lagu akhriyo. Buugga hore  qoraagu waxa uu kusoo bandhigay hannaan ka duulaya sida dhaqanka Itoobiyaanka iyo kan Afrikaanka loogu dub-dhigi karo xallinta dhibaatooyinka daba dheeraaday ee haysta Itoobiya iyo qaaraddan Afrikaba, taas oo ku salaysan dhaqanada, iyo axdiyada qaaradda si loo gaadho nabad waarta, barwaaqo iyo horumar.

Ujeedadayda in aan lafaguro buuggan waxa weeye in aan si toolmoon u furfuro afkaarta qoraaga iyo doodihiisa oo aan u halbeego macquuliydooda, ficilgalnimadooda iyo suurtagalnimada in ay xal u noqdaan dhibaatooyinka xilligan haysta waddanka Itoobiya iyo Gobolkan Geeska Afrika iyo sidoo kale in ay u noqon karaan wadiiqadii lagu gaadhi lahaa nabadda, barwaaqada iyo xasiloonida warkhtiga dheer lagu badhaadho. Qaybta danbena waxa aan kusoo koobay tobanka cutub ee uu buuggu ka koobanyahay.

 Aragtida xaddaaradeed ee qoraagu waa in Itoobiya iyo Qaaraduba ay iska furaan xadhkaha “afkaarta qalaad ee dibadda uga yimiday.” Isaga oo ku dhiirigelinayaa dadkiisu in ay xalka dhibaatooyinkooda ka raadiyaan dhaqankooda hodanka ah, caadooyinka san, hal-abuurnimadooda dhaqan; iyaga oo isaga fogaayana afkaart qalaad ee lasoo amaahday.   Waxa uu ku dooday in dadka qaaradani la qabatimeen afkaan aan xeru-dhalan ahayn oo aan weliba noloshooda xidhiidh la lahayn, fahamka ay ka haystaana uu aad u liito, waanay la qabatimeed iyaga oo afkaartaasi aan innaba xallin mashaakilaadkii haystay waddanka Itoobiya iyo qaaradda toona.  Soo waarididan indha la’aanta ah iyo adeegsiga afkaartan qalaad waxa ay inoo gaysatay dhibaato ay iska dhaxleen fac ka fac oo aanu facna isku deyin in uu helo xal ay iyagu leeyihiin oo ay boogaha dhibaatooyinkooda ku dhaydaan.

 Kelmadda “Medemer” waa erey Amxaari ah oo macneheedu yahay isku imaatin, balse qoraagu waxa uu ku macneeyey “wada shaqayn” isaga oo ku sharaxay in uu yahay curin asaasi ah oo dib loogu eegayo waddanka Itoobiya xilligan casriga ah. Waa himilo bulsho oo ku dhisan nidaam iskaashi iyo tartan isku dheelitiran.  

 ‘Generation Medemer’ sida qoraagu ku sifeeyey waa “hab-fikir cusub’ iyo nidaam “aynu ku dhayayno dhaawacyadeennii, ku daaweynayno xanuunadeenii, kuna xallinayno dhibaatooyinkeenii”. Waxa uu ku sheegey hab-fikirkiisan Medemer in uuna ahayn baadhid falsafadeed ama iska haloosiyid balse  ay tahay go’aan iyo haltebin dhab ah oo xal loogu raadinayo mashaakilaadka Itoobiya haysta. Raadinta jawaabta iyo aragtiyaha uu qoraagu soo bandhigay waxa ay xiganayaan shakhsiyado kala duwan iyo sahamin xeeldheer taas oo cuskanaysa nimaadka hay’adaha Afrikaan ka ah sida dhaqamada soo jireenka ah, diimaha iyo caadooyinka qaaradda. Curintani waxa ay meesha ka saaraysaa aragtihii ku dhisnaa qaybinta bulshada ee qoomiyadda, midabka iyo kala qoqobka ku dhisnaa.

 Adeegsiga fikradda Medemer, qoraagu waxa uu uga gol-leeyahay in uu sharaxo siyaasad bulsho oo ku dhisan tognaan, iskaashi (iyada oo laga koraayo lagana dheeraanayo siyaasadda burburinta ah ee natiijadiisu tahay in sagxadda la wada taabto) iyo tartan.  Dhextaalka fikraddu waa isku duubni iyo wadajir kasoo bilaabmaya heer shakhsi, kooxeed, hoggaamiyayaal iyo haya’adaha si loogu shaqeeyo si firfircooni leh, wax ku ool ah, oo hal-abuurnimo looga shaqeeyo hab-dhaqanka wanaagsan iyo danta guud.

Qoraagu waxa uu ku doodayaa fikradan Medemer (is-kaashi), in ay soo saarayso xaddi badan oo tamar dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ah; taas oo ah dhaxal ay leeyihiin bulshoweynta Itoobiya iyo dadweynaha qaaraddan Afrika. Afkaarta qalaadna waxa uu dhiirigelinayaa in la iska dhaafo oo aan lasoo waaridin.

 Qoraagu waxa uu rumaysanyahay in aanu isbedel waaraa ku imanahayn kacdoonno xad-dhaaf ah ama isbeddello rabshado wata oo mar uun soo butaaca, balse uu ku iman karo oo keli ah nidaam barasho oo mabda’ iyo aqoon ku dhisan oo jiilba jiilka xiga u gudbiyo lagu keeno is bedel. Qoraagu waxa uu ku dooday in “Dhismaha qaranku yahay taxane ku bineysan aqoon iyo xadaarad oo jiilba jiil ka xiga ku tallaalo.”  Qaran ku waa maxsuulka isku xidhnaanta jiilal kala danbeeyey iyo nimaadka wada xidhiidh kooda (wareysi iyo wacaal) oo tayaysan.  Guulaha iyo guuldarrada qaranna waxa go’aamiya dadaalada jiilasha kala danbeeya iyo ficiladooda ay ku kacaan xilligaas ay joogaan, taas ayuunba dhasha guul ama guud darro.  

 Jiil kastaa waxa uu leeyahay luuqadiisa iyo habka haltebintiisa gaarka ah ee xubinihiisu ku wada xiriiraan kulana xidhiidhaan faca iyaga ka danbeeya. Halka inta badan isu hal-tabinta nuxurkeedu uu lumo jiilasha dhexdooda ama uu abuuro is-faham darro ama uu khalkhaliyo maxsuulkii ama nuxurkii fariinta. Yoolka guud ee fikradda ‘Medemer’ waa in la derso surma seegtooyinkii, guuldarrooyinkii, waxqabadkii, iyo guulihii jiilashii hore oo la dhiso Itoobiya cusub (New Ethiopia) taas oo ku naaloota horumar loo dhanyahay oo ku dhisan nabad iyo barwaaqo.

 GABAGABADII LAFAGURKA

 Buugan, “Generation Medemer, (jiilkii iskaashaday)” Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya  waxa uu si furan usoo bandhigay wax aynu u qaadan karno ajandihiisa Itoobiyada cusub, iyo barnaamujkiisa hogaamineed. Gogoldhiga buugga waxa uu sameeyey odhaah ka turjumaysa jidka uu u marayo dhismaha Itoobiyada cusub iyo jidka uu ugu talogalay in uu ku hoggaamiyo dhalinyaradiisa waxa uu ku sheegey “jidkan ifaya ee horumarka”.

“ Jidka Medemer waxa uu ka dhashay safarkii noloshayda… jidka Medemer waa shaqo loogu talogalay in ay isu keento iskaashiga dhawr fac oo kala duwan… Medemer waa miraayadda aan ku fiirsanayno mustaqbalka innaga oo isku keeneyna awoodda faca imika jooga oo dhisayna kartida jiilka soo socda, kana taxadireyna khaladaadkii ay galeen jiilashii inaga horreeyey.”  

 Jiilkan Medemer waxa uu ku sheegay Dr. Abiy in uu yahay jiilkii qaban lahaa shaqada culus ee sare u hinjin lahaa waddanka Itoobiya kana saari lahaa saboolnimada oo u horseedi lahaa barwaaqada, isaga oo AFAR u kala qaybiyey (cutubka 2, b. 36-51) jiilashii Itoobiya soo marey kasoo bilow 1896-kii kuwaas oo kala ah: Jiilkii xagjirka ahaa (Conservative Generation), jiilkii Riyada (Dreamer Generation), jiilkii qalbijabay (Disillusioned Generation) iyo jiilkii anbaday (Alienated Generation).   

 Waxa ii soo baxday in qoraagu aad uga taxadirey in uu ku xukumo jiilashii hore khaladaadkii badnaa ee ay galeen; taas bedelkeedana uu qiro guulihii ay soo hooyeen ama ay dhaxalka uga tegeen. Marka la eego (cutubka 7, b. 157-162) waxa uu ku faaqidey fikraddiisan cusub ee ‘Medemer’ in ay tahay qaacidada lagu dhisi karo jiil cusub, isaga oo ku dooday in astaanta Itoobiyaannimadu ay noqoto mid isu keenta shucuubta qaaradda Afrika ayna ku faanaan. Waxa uu ku booriyey dadkiisa in ay sida qudhaanjada oo kale isugu duubnaadaan, iyaga oo aaminsan in isku duubnidu ay tahay tiir adag oo aan weligeed la jebin, dhibkastana si sahlan loogaga gudbi karo. Dhinaca kale (cutubka 10, p. 267-270) qoraagu waxa uu soo jeediyey in ay cadaatay in quwadihii reer Galbeedka ee uu hormuudka u ahaa Mareykanku ay ka jeesteen Bariga dhexe iyo Geeska Afrika, taas oo ah fursad ay shucuubta gobolladani ku raadsan karaan fursado kale oo ay jilayaasha kale kula xulafoobi karaan. Waxa uuna ku tirtirsiiyay shacabka Itoobiya iyo jiilkan cusub (Medemer) ee uu dhisayo badhaadhahooda iyo mustaqbalkoodu ku jiro in ay wax la qabsadaan wadamada bariga dhexe iyo Badda Cas oo ay u noqon karaan ishii ay cuntadooda usoo doonan lahaayeen.

 Si kasta oo ay noqotaba, culimada ku takhasustay daraasadaha Hoggaamintu waxa ay yidhaahdaan guusha hoggaamiyuhu waxa ay xidhantahay in uu isla helo, xaalad, duruuf iyo ujeedo, halka  gaadhista ujeedo kastaana ubaahantahay adkaysi, isku duubni iyo adeeg bixin dhab ah si looga gun gaadho. Waxkasta oo dhibaato ah oo qoraagu la kulmay, buugani waxa uu u muuqdaa in uu yahay dhabadii hogaamintiisa ee Itoobiyada cusub ku hagayay oo uu halkan inoogu soo gudbiyey. Waxa aan ku boorrin lahaa qofkasta oo Siyaasi ah, (siiba kuwa gobolkan geeska iyo qaaradda), diblomaasiyiinta, dhallinyarada, cilmi baadhayaasha iyo saxaafaduba in ay akhriyaan buuggan.

 Waxa ay ila tahay, in aragtiyahan iyo qorshayaashan nayaayirka iyo ididiiladu ka buuxdo ee dib udhisidda Itoobiyada cusubi uu noqon karo oo keli ah tallaabada kowaad ee isbedelka uu waddankani u baahanyahay. Itoobiya waxa luga kaga maran dhibaatooyin waa weyn oo xididdo dhaadheer leh oo aan lagu xallin karahayn dadaalka hoggaamiye keli ah, halkii laga yaabo in ay wax ka qaban lahaayeen koox haldoor ah  (group of elites) oo la yimaadda afkaar isbedel oo nidaam xasilloon ku socota; kanasoo bilaabanta hoos illaa ay gaarto qof-qof, koox-koox iyo nidaamka dawliga ah, taasna waxa ay u baahantahay in ay qaadato wakhti ay ku qaangaarto  iyo qori isu dhiib xasiloon.  Wadajirka, iyo habdhaqanka akhlaaqiyaadka iyo qiyamka wacan ku dhisan sida wada shaqayn, iskaashi, isu-tanaasul, dulqaad, adkaysi iyo isqadarin ayaa noqon kara shiidaalka iyo tamarta dhismaha jiilka isbedelka xasiloon horseedi kara.