Jidka lagu abuuro horumar joogtaysan
Yoolasha horumar waara waa ajendaha dunida ee helidda horumar xasilloon oo joogtaysan oo lagu xaqiijiyo tirtiridda saboolnimada, la dagaalanka sinnaan la’aanta, caddaalad darrada iyo colaadaha, iyo sida oo kale in adduunyadu meel uga soo wada jeedsato hagaajinta cimilada sii xumaanaysa ee cid kastana saamaynaysa oo ah wax aadamuhu xal u heli karo. Buuggani waxa uu ka koobanyahay saddex qaybood oo u kala dhigan sidan:
Qaybta 1aad: Waxa ay xambaarsantahay aqoon iyo fahan guud oo la xidhiidha horumar waara (sustainable development), si akhristuhu u fahmo waxa la isku miisaamayo ama ay tahay in aad niyadda ku haysid marka aad jaangoynayso mashruuc horumarineed.
Qaybta 2aad: Waxa ay faah-faahinaysaa yoolasha horumar waara (sustainable development gaols) oo ka kooban 17 yool, 169 bartilmaameed iyo 232 halbeeg. Yoolkasta waxa la raaciyey xog muhiim oo xisaab ahaan u muujineysa halka yoolkani ka dhaqaaqayo; si loogu qiimeeyo halka uu taaganyahay marka la gaadho sanadka 2030-ka. Dhammaadka yoolkastana waxa la socda xog ku saabsan xaalada yoolkaas ee Gobolkan Geeska Afrika.
Qaybta 3aad waxa ay sharraxaysaa siyaabaha loo hirgelin karo fulinta yoolashan, iyo tallaabooyinka la raaco marka lamataanaynayo qorshaha horumarinta heer qaran iyo yoolasha horumar waara. Waxaana lagu soo afmeerey buugga sida looga warbixiyo horumarka laga gaadhay iyo caqabadaha lagala kulmay hirgelinta yoolashan iyo sida looga jeediyo shirka Siyaasadda ee Qaramada Midoobay oo qabsooma bisha Luulyo ee sannad kasta. Qofkasta oo gacanta ku haya horumar iyo hogaammin ama u heelani, waa muhiim in uu akhriyo si uu aqoon iyo faham uga korodhsado geeddiga horumarka caalamka iyo kaalinta qofkasta iyo qaran kasta kaga aaddan. Ka dalbo www.aogaas.org ama email kan gaas@aogaas.org