HomeBlogBlogGuusha Muuqata iyo Gubashada Qarsoon!

Guusha Muuqata iyo Gubashada Qarsoon!

Dadka aynu u aragno in ay guuleysteen, mararka qaar waxa ay la noolyihiin murugo iyo niyad jab aanay sheeg karin.
Muddo laga joogo abbaaro sagaal sannadood, waxa aanu ku kulannay mid ka mid ah magaalooyinka barafka iyo bilicsanaanta isku darsaday ee Qaaradda Yurub, nin akhyaar ah oo aan isku naqaanay magaalada Hargeysa. Inkastoo uu muddo shan sano ah naga sii maqnaa, xidhiidh keennii hore ma lumin.  

Magaciisa dhabta ah uma baahni inaan halkan ku xuso, balse sheekadan waxa uu inoogu metelayaa magaca Mohamed. Wuxuu ahaa shaqsi firfircoon, indheer-garad ah, bulshada dhexdeeda si fiican u dhexgala, waxbarashadiisana aan ku faani jirnay. Wuxuu ahaa ninkii aan mar walba is barbardhigi jirnay markay tahay dadaal iyo riyo-dhowrid ba. Laakiin subax uun buu naga jarmaaday oo qaaradda Yurub ka hillaacay.  

Markii aan ogaadey in aan booqanayo magaalada aan u haystay inuu degan yahay, waxaan go’aansaday inaan raadiyo. Nasiib wanaag, Ilaahay wuu inoo suurtageliyey inaan isku aragno, oo sheekeysanno intaanan Hargeysa ku laaban.   Waxa aanu ku kulannay xarun laga dumaameysto makhaayad ku taalla, salaam iyo isku xiiso dhegdheg kadib waxa aan bilaabay in aan waramo illeen aniga ayaa socoto ahaaye.  Laakiin markaan si taxaddar leh u eegay Mohamed, waxaan arkay farxaddii wejigiisa oo si tartiib ah u yaraatay, tamartiisii oo hoos u dhacday, wejigiisa oo mugdi galay. Mararka qaar wuxuu iska dhaafayay in uu hadalka ila wadaago, isaga oo si niyad jab ah ii dhagaysanaya. Waxaase muuqata inuu xiisaynayo sheekada balse uu ku jiro dagaal uu isagu naftiisa kula jiro.

Markii uu sheekada la wareegay anigoo il gooni ah ku haya isbeddelkiisa, codkiisii wuxuu isu beddelay goos-goos, hadallo kala go-go’an, dareenkiisii oo aanu isku xajin karin. Intaas markaan arkay ayaan cod deggan ku idhi “Saaxiib, maxaa dhacay? Walaal ii waran.” Markaas ayuu ilmada ceshan kari waayay.  Dadkii nagu hareeraysnaa way na eegayeen, balse anagu kamaanu xishoonin murugada iyo in aan aniguna la caadifadoodo, “saaxiib maxaa kugu dhacay…..”. Waxa aan isku deyay in aanu yara aamusno si xusuustu u nasato, balse markii uu Mohamed hadalkii bilaabay ayuu cod xabeeb iyo xanuun leh igu yidhi:
“Walaal, ninkii aan ahaa, iyo ninka aan halkan ka ahay, waa laba qof oo kala fog. Runta halkan igu sugeysay sharaxaad uma hayo.”

Intaas markii uu igu yidhi ayaan la dareemey culeyska haysta, weliba waxa uu iigu daray,
“Markii aan joogay Hargeysa, waxaan hayey waalidkay oo aan biilinjirey, markii aan halkan (Yurub) imidayna biilin iska daaye, in aan wax weyn taro ayay iga filayaan, mana awoodo… xittaa firfircoonidii aad igu taqaanay ma lihi, ninkii hore ma ihi, waxa aan lumiyey kalsoonidii, iyo hankiiba …”. Iga raalli ahaada erayadiisii ma wada qori karee.

 Sheekadan waxa igu dhaliyey in aan soo qoro, wiil dhalinyaro ah oo maamula shirkad yar oo Addis Ababa ku taalla oo aanu in muddo ah is naqaanay ayaanu shalay is wareysannay, kuye waxa aan rabaa in aan Jaziiradda Malta aado oo meelahaa Yurub ka galo, markaan weydiiyey sababtana waxa uu ii sheegey in aanay waxba u kordhahayn, aqoon ahaan, aduun ahaan iyo khibrad ahaan toona. Balse uu rabo in uu Yurub xoolo kasoo dhaqdo si uu meel sare u gaadho, dabadeedna waxa aan siiyey waano walaaltinimo, waxa aan u sheegey nolosha ka horeysa, sida uu noqon doono, qofka uu imika yahay, iyo runta waa halkii Maxamed e Yurub ku sugaysa, waxa aan ku tirtirsiiyey in uu wadankiisa aamino, iskuna dayo in uu wax barashadiisana biirsado, xooluhuna ku xidhanyihiin kolba sida aad u dadaasho oo aad ku ladhay adkaysi, qanaaco iyo hammi durugsan iyo tacab joogto ah.

Casharka sheekadan ku duugan:

Sheekadan waxay ka warramaysaa murugada qarsoon ee ku duugan dhoolla-caddaynta qurbojoogta in badan oo ka mid ah. Waxa ay ka warramaysaa sida riyooyinkii ifayay ay marmar u noqdaan mugdi, iyo sida guulaha muuqda ay ugu lamaan yihiin murugooyin qarsoon, mas’uuliyad culus, iyo mararka qaar,  niyadjab oo aan la sheegin. Mohamed waa matalaad ka mid ah kumannaan kale oo la kulma niyad-jabka qurbaha, balse aan cabiri Karin in ay jiilka hiigsanaya u sheegaan oo cod dheer ugu war-celiyaan. Sheekadan waxa ay inagu wargelinaysaa: in mararka qaar, dadka aynu sawir ahaan u aragno in ay guuleysteen, aysan nolosha ka helin nasiib wanaag, balse ay ku noolyihiin xaalad aysan ka laaban karin oo ayna ka sheekeyn karin.

Masuuliyadda ummaddaa rafaadaysaana waxa ay saarantahay kolba cidda xilkeeda qaada, ha ahaadaan qof garasho illaahay siiyey, mid xil dadku siiyey, mid aqoon ama maal kasbaday iyo mid awood uu wax kaga qaban karo leh ama leh saameyn la dhegeysan karo. Yurub dadkii lahaa ayaa ka dhigey in ay inasoo jiidatee, innaga maxaa inala gudboon?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *