Waddanka Singapore oo ku yaalla koonfur bari Eeshiya, xilliganna ah waddan hodan ah oo ka mid ah waddamada ugu horeeya dunida, balse xilli dhaweyd ka mid ahaa dunida saboolka ah ee loo bixiyey dunida saddexaad, ayaa noqday xiddig ka soo dhex baxday adduuyada koraysa ee horumarka samaynaysa. Taariikh kasta oo waddankani leeyahay, ama uu soo maray maanta iyo haatan waa waddan qani ah oo aanay sahlanayn in dhaqaale ahaan, sumcad ahaan iyo ummad ahaanba la tiigsado. Halkan waxa aynu ku wadaagaynnaa sirtii ka danbaysay horumarka maanta lagu majeeranayo waddanka Singabuur oo uu inoo soo koobay professor Kishore Mahbubani oo isagu u soo joogay labada jeerba, xilligii saboolnimada iyo maanta oo la tannaaday.
Professor Mahbubani waxa uu ku dhashay Singabuur badhtamihii qarnigii 20aad, isaga oo 6 sano jir ah; maalintii dugsiga la qoray ayaa la xaqiijiyey in uu nafaqo darro la liito waxaana la geeyey goob lagu xannaaneeyo carruurta isaga oo kale ah, waa sida carruuteennu maanta u badantahaye. Waxa uu soo joogay singabuur oo dunida saddexaad ka mid ah (third world) iyo maanta oo ay dunida kowaad (first world) ka mid tahay, isaga oo isha ku hayay isbedelkaas yaabka leh ee waddanku sameeyey. Waxa uu hormuud kasoo noqday machadka siyaasadda dawliga ah ee “Lee Kuwan Yaw), waxa uu ardayda la wadaagi jirey sirta waddankan Singabuur horumarka intaas leeg ku sameeyey wakhtigaas kooban, waxa uuna odhan jirey “ma idin siiyaa sirta waddankani ku hodmay, haddii aad qaacidadaas qaadataan waa dhab in waddamadiinuna ku hodmi doonaan”, waxa uu professor ku la yimid saddexdan fikradood ama qaacido ee kala ah Meritocracy, Pragmatism iyo Honest (MPH) oo ay ku fadhiday qaacidada horumarka Singabuur, bal aynnu kala dhigdhigno.
Meritocracy oo macneheedu yahay in dadka xulka ah ee aqoonta u leh loo dhiibo in ay waddanka hoggaamiyaan ama ay hagaan. Waxa uu ku doodayaa in waxa waddamada kala reebaa yahay kolba cidda horgasha ama maamusha oo noqota xul iyo xaruur ka dhex saarta caalamka saboolka ah ama hor fadhiyayaal dhex daajiya bahweynta faqriga iyo dib u socodka waa sida loo badanyahaye. Tusaale waxa uu usoo qaatay, dunida saddexaad marka la xulaayo wasiiradda Lacagta iyo dhaqaalaha iwm, waxa loo dhiibtaa kuwa xigto la ah madaxda ugu sarreysa si xaal mastuur wax loogu wado, halkii dadka ku habboon oo dhaqaajin kara loo dhiibi lahaa. Balse waxa uu intaas raaciyey in xaalka Singabuur sidaa ka duwanaa oo madixii waddankaas ee xilligaa adkaa hogaanka u yahay go’aansaday in uu dadka xulka ah u dhiibo waddanka si ay u dhaqaajiyaan (best person for the job), isbedel macne ku fadhiyana u sameeyaan.
Pragmatism oo macneheedu yahay in aad waxkasta xaqiiqada iyo wixii shaqaynaya uun ka raacdo, waxa si cilmi ah u macneeyey hoggaamiyii hore ee China Mr.Denge Xiaopen oo yidhi, “macno ma laha in bisaddu ay madawdahay iyo in ay caddahay, haddii ay Jiirka/Doolliga kaa dileyso waa bisad wanaagsan”, waxa looga jeedaa kuma khasbanid in aad shuucinimo ama hanti goosinimo horumar ku raadiso balse haddii fikraddaa horumarku kuu shaqaynayso isticmaal. Waxa professor ku intaas raaciyey “annagu Singabuur ahaan siyaasadihii u kala janjeedhay Hanti goosiga iyo shuuciga ba waannu isku walaaqnay wixii naga anfacaayay ayaannu ka qaadannay oo dheriga ku karsanay wadigaana maanta arkaya dee”.
Honest oo ah tan ugu adag in la hirgeliyo; ahna waxa adduunyada kala reebey sida musuq maasuqa, eexda IWM. hogaamiye Lee Kuwan oo soo gardaadiyey waddanka Singabuur xilliyadii adkaa waxa uu ka bilaabay in uu ciqaabo dadkii xagga sare joogay sida madaxda iyo ganacsatada sarsare; si inta kalena ugu cibra qaadato isha cali ka laalaada. Arrintaasi waxa ay abuurtay in dadka waddanka hagayaa daacad ka noqdaan xilalka iyo hoggaaminta ummadda, isla markaana iska dhaafaan waxkasta oo qish iyo khiyaano ku ah horumarka waddaka.
Gunaanadkii, qormadan koobani waxa ay ina tusaysa in horumarku aanu fadhi ku iman, cidna aanay muquuno kuugu keeni karin, kuguna caawin karin, balse ay ku xidhantahay adiga iyo sida aad isu aragto dabadeedna dantaada daacad uga noqoto. Jidka Horumarku waa wax muuqda balse sida caasiga cibaadadu ugu adagtahay ayay hoggaanka maangaabka ahna ugu dirqi tahay in uu jidkaa qaado ama uu horseede ka noqdo. Fadhi iyo fuud yicibeed la isla waa ayay somalidu ku maahmaahdaa, fuudka yicibtu waa macaan balse wakhti badan iyo tamar badan ayuu u baahanahay in aad karsato, waddankan Singabuur ee shalay innaga mid ka ahaa; maantana aynu sida xiddigaha u daawanaynaa wax mucjiso ah oo cirka loogasoo direy ma jiraan ee dadkiisii iyo hogaankiisii ayaa ku heshiiyey in ay fadhiga ka kacaan, cidna aanay sugin, cidna aragtideeda u xidh xidhnaan balse wixii u shaqeeya ee dantooda ka turjumaaya uun ay ku dhaqaajiyaan, waana waddanka ugu booqashada badan dunida si loo soo arko bal waxa ay sameeyeen, jidkii ay soo mareenna waa intaas aynu sare ku soo sharaxnay.
Ibraahim gadhle ayaa laga hayaa “Ruuxba meeshu foofshiyo, Waa halkuu ku mayraco” waxa loo kala horumaray dunidan maanta sida loo kala hoggaan wanaagsanyahay, hoggaankuna cirka kama yimaadee qofkastaa qayb ayuu ku leeyahay, maalinta ay noqoto in aad ka fekerto ama ka taliso hoggaan ummadda haga oo xafiis dawli ah fadhiista ama maamula darajada uu doono ha ahaadee waxa kula gudboon in aad keento qof xul ah “merit based) si aad horumar uga filato, haddii kalena waad iska dhex mushaaxi bahweynta saboolka ah iyo dunidaada saddexaad.