HomeBlogPublicationYoolasha Horumar Waara Daabacaada 1aad (Sustainable Development Goals)

Yoolasha Horumar Waara Daabacaada 1aad (Sustainable Development Goals)

Shirkii Qaramada Midoobay ee Rio de Janeiro oo dhacay June 2012kii ayaa go’aamiyey in lala yimaado yoolal aduunyadu si guud ugu hirato oo xal u hela dhibaatooyinka Deegaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha ee ka taaggan caalamka.

Yoolashani waxay bedelayaan kuwii la odhan jirey “Yoolasha Horumarineed ee Kunka sano” (Millinimum Development Goals –MDGs-) oo la hirgeliyey 2000 si loo xaqiijiyo ujee- dooyin guud oo la isla gartay in wax lagaga qabto sabool- nimada xad-dhaafka ah, Gaajada, cudurada dhimashada sababa iyo fidinta wax-barashada asaasiga ah oo caruurtu idil ahaan hesho.

Shan iyo toban (15) sano gudohood, Yoolashaasi (MDGs) waxay horseedeen horumar taabanaaya dhinacyo muhiim ah: Yareynta saboolnimada, helidda biyo iyo fayo-dhawr, hoos u dhigidda dhimashada caruurta iyo hagaajinta caafimaadka hooyada, Waxay sidoo kale dhaqaajiyeen dhaq-dhaqaaq caalamiya oo lagu xaqiijinaayo helidda wax-barashada asaasiga ah oo bilaasha, iyadoo lagu dhii- rigeliyey wadamadu inay maal gashadaan mustaqbalkooda, MDGs waxay shaqo weyn ka qabteen la dagaalanka HIV/ AIDS iyo cudurada kalee la daaweyn karo sida kaneecada/ duumada iyo qaaxada.

Dhaxalkii iyo guulihii MDGs ku waxay ina siiyeen casharo qiima leh iyo khibrad aynu ku iba-furi karno yoolal cusub, si aynu u tiigsanno mayl kii ugu danbeeyey ee aynu ku cidhib tireyney gaajada, helidda sinaan buuxda ee lamaanaha, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo in la xaqiijiyo in ilmo kastaa helo wax-barasho ka saraysa ta asaasiga ah. Yoolashan Horumar Waaraa waa baaq deg-deg ah oo loogu weecinaayo aduunka wadadii horumarka waara.

Bishii 9aad ee 2015kii in ka badan 190 hogaamiye ayaa ayiday 17ka yool ee horumar waara, si ay gacan uga

gaystaan inaynu tirtirno saboolnimada daran, la dagaalano sinaan la’aanta iyo cadaalad darrada iyo inaynu hagaajinno wasakhawga/dikhowga cimilada.

Dukumantigan waxaa iska leh Qaramada Midoobay, waxaanu ku daabacan yahay website-kooda www.un.org/ sustainabledevelopment/sustainable-development-goals. Maadaama xilligii la tashiga shucuubta caalamka ee la diyaarinaayey Yoolashan iyo bar-tilmaameedyadooda; aanay Soomalidu helin door la tashi oo kufilan oo ay baahidooda ku gudbiyaan; duruufo badan aawadeed, ayaan isugu xil-qaamay turjumaadan inta karaankayga ah, si ay luuqadooda ugaga bogtaan; hayaanka aduunka ee 15ka sano ee soo socdana feedha uga raacaan.

Qofkasta oo gacanta ku haya masuuliyad ama horumarin waa u muhiin inuu akhristo oo fahmo qaybta ka khusaysan ama yoolka shaqadiisa khuseeya.

Maadaama luuqada lagu qorey dukumantigu tahay luuqad farsamo waxay u muuqataa sidii amar oo kale sida “Waa in la sameeyaa IWM” waxaa laga wadaa in qofkastaa niyadda ku hayo in masuuliyadda uu qayb ku leeyahay ayna tahay inuu qayb ka noqdo fulinta inta kaga aaddan.

Waxaan u mahadcelinayaa asxaabtii gacanta ka gaysatay inay soo akhriyaan oo tafatiraan ama ay baahiyaan oo uu ugu horeeyo Maxamed Xuseen (Rambow); oo suurto geliyay inuu si taxane ah ugu daabaco Wargayska Geeska Afrika ee uu masuulka ka yahay, iyo Abdijalil Dahir Afqarshe, Cabdiraxmaan Aadan iyo Cabdishukuur X. Muxumed oo qayb laxaad leh ka qaatay dhinaca tafatirka.